قُلْ أَعُوذُ بِرَبِّ النَّاسِ (1)

Waxaad dhahdaa «Nabiyow» waxaan ka magangeley Eebaha dadka barbaariya.

مَلِكِ النَّاسِ (2)

Ee dadka xukuma.

إِلَٰهِ النَّاسِ (3)

Ee ah Ilaaha dadka.

مِنْ شَرِّ الْوَسْوَاسِ الْخَنَّاسِ (4)

Sharka «iyo xumaanta» waswaasiyaha qarsoon.

الَّذِي يُوَسْوِسُ فِي صُدُورِ النَّاسِ (5)

Ee waswaasiya laabta «Qalbiga» dadka.

مِنَ الْجِنَّةِ وَالنَّاسِ (6)

«Kuwaas wax waswaasinayna» oo ah jinni iyo insiba.