لِإِيلَافِ قُرَيْشٍ (1)

Caadaysigii Qureesheed.

إِيلَافِهِمْ رِحْلَةَ الشِّتَاءِ وَالصَّيْفِ (2)

Ay ka caadayeesheen Safarka Xagaaga iyo Jilaalka darteed.

فَلْيَعْبُدُوا رَبَّ هَٰذَا الْبَيْتِ (3)

Ha u caabudeen Eebeha Beydkan (Kacbada).

الَّذِي أَطْعَمَهُمْ مِنْ جُوعٍ وَآمَنَهُمْ مِنْ خَوْفٍ (4)

Eebahi ka quudiyay gaajo, kana aamingaliyay cabsi.